Stockholm, Sweden — Isku daygii lagu masaafurinayay si khasab ah laba walaalo ah oo lagu kala magacaabo Aliya iyo Najiib, oo 22 jir ah, kana soo jeeda Soomaaliya, ayaa la joojiyay fiidnimadii Talaadada, kaddib markii qaar ka mid ah rakaabka diyaaradda ay ka hor yimaadeen masaafurinta, halka duuliyihii diyaaradduna uu diiday inuu diyaaraddu kacdo iyadoo labada walaalaha ah ay saarnaayeen.
Labada walaalaha ah ayaa markii dambe dib loogu celiyay xarunta lagu hayo dadka masaafurinta sugaya ee Märsta, iyadoo arrintoodu gashay marxalad cusub. Waxaa hore loogu soo saaray go’aan masaafurin ah, inkastoo ay Sweden ku noolaayeen tan iyo markii ay ahaayeen 12 jir. Qaar kale oo ka mid ah xubnaha qoyskooda ayaa sidoo kale helay oggolaansho degenaansho.
Waxaa qorshuhu ahaa in Aliya iyo Najiib laga masaafuriyo Sweden iyagoo ka ambabaxaya Garoonka Diyaaradaha Arlanda, kuna sii jeeda Turkiga, halkaas oo ay uga sii gudbi lahaayeen Soomaaliya.
Sida ay labada walaalaha ah u sheegeen wargeyska Aftonbladet, waxay ahaayeen dadkii ugu horreeyay ee diyaaradda fuulay. Waxay sheegeen in ay la socdeen sagaal qof oo ka tirsanaa shaqaalaha hay’adda xabsiyada, booliiska iyo shaqaalaha caafimaadka.
Aliya ayaa sheegtay in lagu qasbay inay dhulka diyaaradda jiifsato, isla markaana qof uu gacanta saaray afkeeda xilli ay qaylinaysay. Sida ay sheegtay, arrintaasi waxay keentay dhaawacyo wejigeeda ah iyo in muraayaddeedii ay jabto.
“Si aad uga xun ayay noola dhaqmeen marka loo eego sida loola dhaqmo dambiilayaasha. Hadda waxaan xanuun ka dareemayaa wejigayga, gacantayda iyo meel kasta,” ayay tiri Aliya.
Waxay sidoo kale sheegtay in laba nin ay walaalkeed Najiib ka qabteen gacmaha iyo lugaha xilli lagu xirayay katiinado.
Isku daygii masaafurinta ayaa ugu dambayn fashilmay kaddib markii rakaab diyaaradda saarnaa ay ka dhiidhiyeen xaaladda, halka duuliyuhuna uu go’aansaday inuusan duulin iyadoo labada walaalaha ahi diyaaradda saaran yihiin.



