Home Wararka Caalamka Haweeney lagu dilay guri ku yaalla Helsingborg, nin 70-meeyo jir ah oo...

Haweeney lagu dilay guri ku yaalla Helsingborg, nin 70-meeyo jir ah oo loo xiray dilka

0

Haweeney ayaa meydkeeda laga helay guri ku yaalla magaalada Helsingborg, waxaana booliisku ka shaki qabaan in la dilay. Nin da’diisu tahay 70-meeyo jir ayaa loo xiray isagoo looga shakisan yahay dilka

Dhacdadan ayaa booliiska lagu wargeliyay galabnimadii Arbacada. Ninka looga shakisan yahay dilka ayaa lagu qabtay laguna xiray guriga.

Booliisku ma aysan dooneyn inay faahfaahin ka bixiyaan xiriirka ka dhexeeyay haweeneyda iyo ninka la xiray.

“Arrintaasi waxay ka mid tahay waxyaabaha aan hadda baaritaanka ku sameyn doonno,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Leif Fransson.

Guriga ayaa booliisku xireen si baaritaan farsamo loogu sameeyo. Sidoo kale, saraakiisha booliiska ayaa guryaha xaafadda garaacay, iyagoo dadka deegaanka ka ururinaya xog iyo macluumaad ku saabsan dhacdada.

Ad