Home Wararka Caalamka Sweden oo Maxkamad soo taagtay Hooyo Ku Eedeysan Guurka Caruurteeda

Sweden oo Maxkamad soo taagtay Hooyo Ku Eedeysan Guurka Caruurteeda

0

Sweden: Maanta waxaa dalka Sweden ka bilaabatay maxkamadeynta hooyo lagu eedeeyay inay gabadheeda oo 14 jir ah u guurisay nin 20-meeyo jir ah, xilli ay safar ku joogeen Pakistan xagaagii hore.

Gabadha iyo hooyadeed ayaa u safray Pakistan si ay u booqdaan qoyskoodq. Markii ay ku soo laabteen Sweden, gabadhu waxay adeegyada bulshada u sheegtay in loo guuriyay nin da’diisu ku dhowdahay 20 sano, sida uu baahiyay Radio Sweden.

Gabadhu waxay adeegyada bulshada u gudbisay sawirro iyo muuqaallo muujinaya iyada iyo ninka oo is-weydaarsanaya faraanti, isla markaana saxiixaya heshiiska guurka. Waxaa sidoo kale muuqaalka lagu arkayay iyadoo xiran dharka arooska.

Ninka lagu eedeeyay inuu guursaday gabadha ayaa hore uga noolaa Sweden, waxaana uu dalkaas ku qaatay xabsi.

Markii arrintan la ogaaday, adeegyada bulshada ayaa gabadha geliyay daryeelka dowladda. Hooyada ayaa sidoo kale si ku-meel-gaar ah loo xiray, balse markii dambe waa la sii daayay.

Maxkamadeynta ayaa hadda socota, iyadoo hooyada lagu soo oogay dacwad la xiriirta guur carruur.

Ad