Home Wararka Caalamka Sharciyo Cusub oo Ku Soo Wajahan Shatiga Gaari Wadista Sweden Laga Bilaabo...

Sharciyo Cusub oo Ku Soo Wajahan Shatiga Gaari Wadista Sweden Laga Bilaabo Sanadka 2027

0

Stockholm – Dowladda Sweden ayaa sanadaha soo socda bilaabi doonta hirgelinta sharciyo cusub oo la xiriira shatiga wadista, kuwaas oo ku saleysan awaamiir cusub oo ka soo baxay Midowga Yurub (EU). Isbeddelladan waxaa ka mid ah soo bandhigista shati wadis dijitaal ah, iyo wax ka beddel lagu sameynayo xeerarka quseeya dadka haysta shatiga iyo kuwa doonaya inay qaataan.

Baaraha ka tirsan Hay’adda Gaadiidka Sweden, Per-Ola Skarviken, ayaa sheegay in weli ay jiraan dhowr sano ka hor inta aan xeerarkan la dhaqan gelin, isla markaana ay hadda socdaan qorshayaal lagu go’aaminayo sida Sweden u hirgelin doonto awaamiirta cusub ee Midowga Yurub.

Goorma ayay bilaabanayaan xeerarka cusub?

Sida ay sheegtay Hay’adda Gaadiidka Sweden, dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub waxay haystaan saddex sano oo ay sharciyadan ugu daraan xeerarkooda qaran, kadibna hal sano oo dheeraad ah ka hor inta aan inta badan isbeddelladu dhaqan gelin.

Qaar ka mid ah isbeddellada ayaa bilaaban doona ka hor waqtigaas:

26-ka Noofambar 2027: Waxaa la ballaarin doonaa xuquuqda dadka haysta shatiga nooca B si ay u kaxeeyaan qaar ka mid ah gaadiidka culus.
26-ka Noofambar 2028: Waxaa dhaqan geli doona xeer u oggolaanaya dadka 17 jirka ah inay baabuur wataan iyagoo uu la socdo qof weyn oo khibrad leh.
26-ka Noofambar 2029: Inta badan sharciyada cusub, oo ay ku jirto isticmaalka shatiga wadista dijitaalka ah, ayaa si rasmi ah u dhaqan geli doona.

Hay’adda Gaadiidka Sweden ayaa sheegtay in wali la daraasaynayo sida dhammaan qodobadan loogu dabaqi doono gudaha dalka, maadaama qaar ka mid ah ay waajib ku yihiin dhammaan dalalka Midowga Yurub, halka qaar kalena loo daayay waddan kasta inuu go’aansado sida uu u fulinayo.

Ad