Home Wararka Maanta Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer oo Iska Casilay Xilkiisa iyo aHoggaanka Xisbiga...

Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer oo Iska Casilay Xilkiisa iyo aHoggaanka Xisbiga Shaqaalaha

0

London – Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Midowday ee UK, Keir Starmer, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay hoggaanka Xisbiga Shaqaalaha (Labour Party), balse wuxuu sii ahaan doonaa Ra’iisul Wasaaraha dalka ilaa laga soo doorto hoggaamiye cusub oo xisbiga ah.

Starmer ayaa go’aankan ku shaaciyay khudbad uu ka jeediyay xarunta rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaaraha ee 10 Downing Street ee magaalada London.

Isagoo la hadlayay warbaahinta, Starmer wuxuu sheegay inuu dhegeystay aragtida xubnaha xisbiga, isla markaana uu ogaaday inuusan mar dambe haysan kalsoonidii lagama maarmaanka ahayd ee hoggaaminta xisbiga. Sidaas darteed ayuu go’aansaday inuu xilka ka dago, isla markaana uu furo doorasho gudaha xisbiga ah si loo doorto hoggaamiye cusub.

Sida qorshaha la shaaciyay, Starmer wuxuu sii wadi doonaa waajibaadkiisa Ra’iisul Wasaaraha inta ay socoto doorashada hoggaanka cusub ee Xisbiga Shaqaalaha. Hoggaamiyaha cusub ee la doorto ayaa markaas la wareegi doona hoggaanka xisbiga iyo dowladda.

Ad