Home Wararka Maanta Bannaanbaxyadii Mucaaradka Kadib, Muqdisho Oo Gashay Xaalad Degganaansho

Bannaanbaxyadii Mucaaradka Kadib, Muqdisho Oo Gashay Xaalad Degganaansho

0

Magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabatay xaalad deggan, kadib maalin ay hareeyeen bannaanbaxyo iyo xiisado siyaasadeed oo sababay walaac amni, kuwaas oo shalay ka dhacay qeybo kamid ah caasimadda.

Saacadihii hore ee maanta ayaa laga dareemayay degganaansho guud, iyadoo inta badan dib loo furay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqii ganacsi ee caadiga ahaa, kaddib markii la dhimay ciidamadii faraha badnaa ee dowladda ay shalay dhigtay waddooyinka waaweyn iyo isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo taageerayaashoodii ayaa dib ugu laabtay guryahooda, kadib bannaanbaxyadii ay ku muujinayeen cabashooyinka la xiriira arrimaha siyaasadda, doorashooyinka iyo maamulka dalka. Inkastoo shalay ay jireen isku-soo baxyo iyo dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo laga dareemayay qaybo kamid ah magaalada, haddana maanta xaaladdu waxay u muuqataa mid si weyn uga duwan, iyadoo aan la soo sheegin rabshado horleh ama isku dhacyo waaweyn.

Dhanka kale, doorashooyinkii golayaasha deegaanka iyo xildhibaannada ee ka qabsoomay degmooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa si nabad ah ku soo dhammaaday, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka doorashada

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in tirinta codadka ay si rasmi ah u socoto, iyadoo natiijooyinka hordhaca ah la filayo in saacadaha ama maalmaha soo socda lagu dhawaaqo. Doorashooyinkan ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, maadaama loo arko tijaabo muhiim ah oo lagu qiimeynayo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya iyo dadaallada lagu doonayo in dalka uu uga gudbo nidaamka doorashooyinka dadban una gudbo doorashooyin qof iyo cod ah.

Natiijooyinka kasoo baxa doorashooyinkan ayaa la filayaa inay saameyn ku yeeshaan jihada siyaasadeed ee gobolka, isla markaana ay fariin u diraan guud ahaan geeddi-socodka dib u habeynta siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ad