Home Wararka Maanta Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Banaanbax ka dhacay Dayniile, Kheyre oo Dowladda...

Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Banaanbax ka dhacay Dayniile, Kheyre oo Dowladda ku Eedeeyay Rasaas la adeegsaday

0

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay rasaas u adeegsatay dad banaanbax nabadeed ka dhigay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Xasan Cali Kheyre  oo goor dhowayd la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladda rasaasta ay u adeegsadeen dadka mudaharaadayay, taasoo uu sheegy in ay sababtay dhimashada hal qof, iyo dhaawacyo kale.

Kheyre ayaa tacsi u diray ehellada qofka shacabka ah ee dhintay, iyo kuwa dadka ku waxyeelloobay banaanbaxa, isagoo sheegay in ciidamada dowladda ay rasaas fureen xilli dad shacab ah ay cabbirayeen dareenkooda.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud inay ciidamo dul dhigtay madaxda mucaaradka iyo siyaasiyiin kale, isagoo sheegay in dhaq-dhaqaaqooda la xaddiday.

Kheyre wuxuu ku tilmaamay xaaladda dalka “ayaan darro” iyo “mas’uuliyad darrro”, isaga oo sheegay in mucaaradku ay u taagan yihiin nabad, xasillooni iyo ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda.

Ad