Home Wararka Maanta Sheekh Shariif Oo Shaaciyay Goobta iyo Waqtiga Bannaanbaxa Muqdisho

Sheekh Shariif Oo Shaaciyay Goobta iyo Waqtiga Bannaanbaxa Muqdisho

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in bannaanbixii ay mucaaradku ku balansanaayeen maanta uu dhici doono, isla markaana lagu qaban doono Garoonka Kubadda Cagta ee Injineer Yariisow ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif, oo warbaahinta kula hadlay hoygiisa ku yaalla agagaarka Isgoyska Marinaayo, ayaa sheegay in mucaaradku ay aqbaleen goobta ay dowladda u asteysay dibadbaxa, kadib markii ay qiimeeyeen xaaladaha amni iyo duruufaha taagan. Wuxuu caddeeyay in isu soo baxu si rasmi ah u furmi doono saacadda 11:00-ka barqanimo.

Go’aankan ayaa yimid kadib muran maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa halka bannaanbaxa lagu qabanayo, iyadoo mucaaradku hore ugu eedeeyeen dowladda inay carqaladayn ku hayso isu soo baxooda, halka dowladda Federaalka ay ku adkaysatay in la ilaaliyo amniga guud ee caasimadda.

Saaka xaaladda Muqdisho ayaa u muuqata mid degan, inkastoo si weyn loo adkeeyay amniga, laguna arkayo ciidamo fara badan oo ku sugan isgoysyada iyo waddooyinka waaweyn. Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay wajahayeen xannibaado dhanka dhaq-dhaqaaqa ah.

Dhanka kale, shacabka Muqdisho ayaa u muuqda inay sii wataan nolol maalmeedkooda caadiga ah, iyadoo isu socodka magaalada uu socdo si caadi ah, halka la sugayo sida uu u qabsoomi doono bannaanbaxa ay mucaaradku ku tilmaameen mid muhiim u ah muujinta cabashooyinkooda siyaasadeed.

Ad