Xiisadda ka aloosan Bariga Dhexe ayaa sii xoogeysatay kaddib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay mar kale duqeymo culus ku qaadeen gudaha Iran, saacado un kadib markii la xaqiijiyay dilka hoggaamiyihii sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in howlgalka militari uu ahaa mid lagu “baabi’inayo halista nidaam xagjir ah oo khatar ku ah amniga Mareykanka.” Wuxuu intaas ku daray in duqeymaha “culculus oo badhtilmaameed ah” ay sii socon doonaan toddobaadka oo dhan ama inta loo arko inay lagama maarmaan tahay.
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in weerarradii Sabtidii lagu dilay ku dhowaad 40 sarkaal oo sare oo Iraniyiin ah, oo uu ku jiro Khamenei. Subaxnimadii Axadda, ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay markii ugu horreysay tan iyo bilowga duqeymaha ay beegsadeen badhtamaha Tehran, iyagoo ku tilmaamay howlgal ballaadjan oo lagu xaqiijinayo “gacan-sareynta hawada” iyo furista waddada caasimadda.
Dhanka kale, Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa ku tilmaamay dilka Khamenei “ku dhawaaqis dagaal ka dhan ah Muslimiinta, gaar ahaan Shiicada caalamka.” Wuxuu sheegay in Iran ay u aragto aargoosi iyo raadinta caddaaladda inay tahay “waajib iyo xaq sharci ah,” isla markaana ay adeegsan doonto awooddeeda oo dhan si ay uga jawaabto weerarradaas.
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa ku dhawaaqay inay weerarro ku qaadeen 27 saldhig oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan ah oo ku kala yaalla Bariga Dhexe, iyo sidoo kale xarumo milatari oo Israa’iil ku leedahay Tel Aviv. Qaraxyo ayaa laga maqlay dalal ay ka mid yihiin Qatar iyo Imaaraadka Carabta.
Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay weerarro lagu beegsaday dekedda ganacsiga ee Duqm ee dalka Cumaan iyo markab shidaal oo ku sugnaa xeebaha Cumaan, iyadoo ku tilmaantay tallaabo xadgudub ku ah madaxbannaanida Cumaan iyo kor u kac halis ah oo colaadeed.
Xiisaddan sii kordheysa ayaa abuurtay cabsi laga qabo dagaal ballaadhan oo ku fida gobolka, iyadoo indhaha caalamka ay hadda ku jeedaan tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan Tehran, Washington iyo Tel Aviv. Gobolka oo horeyba ugu jiray xaalad kacsan ayaa wajahaya marxalad cusub oo khatar ah kadib dilka hoggaamiyihii ugu awoodda badnaa Iran.


