Home Wararka Maanta Dowladaha Soomaaliya iyo Israa’iil oo ku garnaqsaday kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada...

Dowladaha Soomaaliya iyo Israa’iil oo ku garnaqsaday kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeeshay kulan ay Soomaaliya dalbatay, kaas oo inta badan waddamadu ku cambaareeyeen aqoonsiga Somaliland ay siisay dowladda Israa’iil. Dhanka kale, Israa’iil ayaa difaacday go’aanka ay qaadatay.

Ku-xigeenka Wakiilka Israa’iil ee Qaramada Midoobay, Brett Jonathan Miller, ayaa ku dooday in Somaliland ay ahayd dal jira ka hor intii aanay ku biirin Soomaaliya, isla markaana 35 dowladood, oo Israa’iil ku jirto, ay xilligaas aqoonsadeen. Waxa uu sheegay in xasuuq loo geystay kadib ay ka noqdeen midowgii, isla markaana ay buuxisay dhammaan shuruudaha qaran madaxbannaan.

Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abukar Daahir Cismaan, ayaa sheegay in Israa’iil aanay ka hadli karin xasuuq, iyada oo xasuuqday kumannaan qof oo reer Falastiin ah. Waxa uu wakiilka Israa’iil ku eedeeyay in uu akhriyey taariikh hal dhinac ah, isla markaana Soomaaliya ay waligeed mid ahayd. Waxa uu intaa ku daray in gobollo hore uga tirsanaa Somaliland ay hadda ku biireen Soomaaliya.

“Ma jiro wax la yidhaahdo xasuuq oo ka dhacay Soomaaliya. Waxa dhacay dagaal sokeeye, dagaalka sokeeyana saameyntiisa ayuu leeyahay,” ayuu yidhi. “Sidoo kale, waxa aanu aaminsanahay in dad shisheeye ay maalgelinayeen dagaalka sokeeye.”

Wakiil-ku-xigeenka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Tammy Bruce, ayaa noqotay masuulka keliya ee difaacday go’aanka Israa’iil, iyada oo sheegtay in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay aqoonsato cid kasta oo ay dani ugu jirto.

“Israa’iil xaq ayay u leedahay in ay samaysato xidhiidho diblumaasiyadeed. Sannadkii hore, waddamo dhowr ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golahan ayaa qaatay go’aan ay ku aqoonsanayaan Falastiin oo aan wax jira ahayn, hase yeeshee wax kulan degdeg ah kama aanu dhalan,” ayay tidhi Bruce.

Waxay Golaha Ammaanka ku eedaysay laba-wejiilayn iyo marin-habaabin joogto ah, taas oo ka leexisay ujeeddadii loo aasaasay ee ahayd ilaalinta nabadda caalamka. Dhanka kale, waxay sheegtay in aanay waxba iska beddelin siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Soomaaliya.

Inta badan waddamada calaamka ah ee shirka joogay, sida Ruushka, Turkiga, Pakistan, Faransiiska, Ingiriiska, Jabuuti, iyo dowlado kale, ayaa taageeray midnimada Soomaaliya, iyaga oo ku baaqay in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, oo Somaliland ku jirto. Halka waddamo kalena ay sheegeen in Soomaaliya iyo Somaliland ay wada hadlaan.

Ad