Dowladda Qatar ayaa diiday aqoonsiga dhex maray dowlada Israa’iil iyo Somaliland, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid khatar ku ah sharciga caalamiga ah isla markaana wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar soo saartay 27-ka December 2025, ayay ku sheegtay in wax kasta oo lagu doonayo in lagu abuuro ama lagu meel mariyo hay’ado is barbar socda ay si toos ah u wiiqayaan madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Qatar ayaa mar kale caddeysay taageerada buuxda ee ay u hayso hay’adaha sharciga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ballanqaadday inay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo amniga, xasilloonida, iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Dowladda Qatar waxay sheegtay in ay ka habboonaan lahayd in dowlada ay Israa’iil aqoonsato Dowladda Falastiin, oo dowlad madax-bannaan ay aqoonsan tahay beesha caalamku, isla markaana laga shaqeeyo joojinta dagaalka ka socda Marinka Qasa, halkii ay qaadi lahayd tallaabooyin sii hurinaya xiisadda iyo xasillooni darrada gobolka.
Ugu dambayn, Qatar waxay ku celisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan dhowrista madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka in ay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah isla markaana ay xoojiyaan dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Qatar ayaa kamid ah saaxiibada ugu dhaw ee dowlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana waligeed xidhiidh toos ahi ma dhexmarin Somaliland, marka laga reebo safar dhaqaale raadis ahaa oo uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku tagay bilo ka hor.
Hadaba, Qatar ayaa codkeeda ku xoojisay baaqyo lagu diidanyahay aqoonsiga ay dowlada Israa’iil siisay Somaliland, oo ka imanaya inta badan waddamada ka tirsan Jaamacadda Carabta.



