Home Wararka Caalamka Trump oo dhaleeceeyay siyaasadda socdaalka ee Yurub, qaaradana ku tilmaamay mid liidata

Trump oo dhaleeceeyay siyaasadda socdaalka ee Yurub, qaaradana ku tilmaamay mid liidata

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa laba jibaaray weerarrada ka dhanka ah Yurub, isagoo ku doodaya in qaaradda hadda ay “daciif tahay” oo ” qudhuntay” tahriibka awgeed.

Trump ayaa u sheegay wargeyska Politico Talaadadii in wadamada Yurub ay tarxiilaan dadka “si sharci darro ah ku soo galay dalka”.

“Yurub, waxay rabaan inay siyaasad ahaan saxan yihiin, waxayna ka dhigtaa kuwo daciif ah,” ayuu yiri Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa muddo dheer ka soo horjeeday socdaalka wadamada reer galbeedka, isagoo inta badan u adeegsan jiray hadalo kulul oo uu ku beegsanayo dadka soo galootiga ah, gaar ahaan kuwa ka imaanaya wadamada Afrika iyo Muslimiinta.

“Yurub waa meel ka duwan, hadii ay taasi ku sii socoto sida ay u socoto, fikradayda, qaar badan oo ka mid ah wadamadaas ma sii ahaan doonaan dalal sii jiri kara,” ayuu yiri Trump. “Siyaasaddooda socdaalka waa masiibo.”

Hadalka Trump ayaa imaanaya wax ka yar hal toddobaad kadib markii maamulkiisu uu soo saaray Istaraatiijiyadda Amniga Qaranka ee lagu dhaleeceynayo Yurub kana digay “tirtirka ilbaxnimada” ee qaaradda.

Ad