Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari , waxaa ka socda olole xooggan oo ay wadaan qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xlka Madaxweynaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari, oo ka filayo in maalmaha soo aadan doorashadiisa dhacdo.
Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa qaarkood, ayaana wada abaabul ay isku baheysanayaan, si ay ugu midoobaan musharaxiinta ay wadato dowladda Federaalka Soomaaliya lana dooneyso xilka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.
Kulan xalay magaalada Laascaanood ku yeesheen qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha, ayaa waxa ay g’aansadeen in ay u midoobaan oo meesha ka saaraan musharaxa xilka Madaxweynaha la rabto dowladda Federaalka ee Cabduqaadir Firdhiye.
Xubnaha musharaxiinta ee xalay shirka ku yeeshay magaalada Laascaanood waxaa kamid ah Danjire Jamaal iyo Cabdirisaaq Khaliif oo kamid ah xubnaha uu loolanka adag kala kulmi doono hoggaamiye Firdhiye oo markale u taagan xilka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa dhaqaale badan ku taageereysa musharax Firdhiye oo katirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo, waxa ayna dowladda kursiga Madaxweynaha si weyn ula rabtaa Firdgiye oo rabitaanka DFS ku shaqeenaya.