Home Wararka Caalamka Mareykanka oo Duulaan Dagaal ku ah Dalka Venesuela

Mareykanka oo Duulaan Dagaal ku ah Dalka Venesuela

0

Mareykanka wuxuu u muuqda inuu isku diyaarinayo qabsashada dalka Venezuela, oo heysta kaydka ugu badan ee shidaalka caalamka.

Waxaa la arkay hab-raac suragal ka dhigaya duullaan uu Mareykanka ku qaado Venezuela;

  • Mareykanka wuxuu diiday jiritaanka dawladda Venezuela ee uu hoggaamiyo , Nicolas Maduro oo Mareykanka uu madaxiisa ku raadinayo 50 milyan oo dollar.
  • Mareykanka wuxuu sheegay in Maduro uu boobay doorashadii u dambeysay oo aysan sharciyad ku dhisnayn dawladiisa, taa oo la macno ah Mareykanka wuxuu u aqoonsanyahay dal aan dawlad lahayn Venezuela.
  • Intaa ugama harin, wuxuu Mareykanka ku eedeyay Nicolas Maduro, inuu hoggaamiyo qaar ka mid ah kooxaha ugu khatarta badan ee daroogada ka ganacsada dilalkana fuliya, waa cudurdaar si shaqsi ah loogu beegsan karo.
  • Waxaa xigtay in Trump, si hoose u ansixiyay qorshe u oggolaanaya ciidanka Mareykanka inay weerarri karaan kooxaha daroogada meel kasta oo ay ku suganyihiin, kulana dhex dagaallami karaan dhulka dalal kale . Tallaabo lagu sharciyeenayo inay ciidanka Mareykanka dhulka dal kale ku duuli karaan, sida ay werisay CNN.
  • Wakaaladda wararka Reuters, ayaa iyaduna daahqaaday in 4 kun oo askari oo ka tirsan ciidanka Mareykanka iyo saddex markab oo ah kuwa dagaalka ee Mareykanka shalay loo diray inay ku dhawaadaan xeebaha Venezuela.
  • Isla markii madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro wuxuu amray in dhammaan ciidanka Venezuela, la galiyo heegan laguna diyaariyo goob kasta oo laga soo weerarri karo, sida ay baahisay CNN, wuxuu Maduro yiri ; “ Uma oggolaanayno dalkeenna gumeysi, mana isku dhiibi doono gumeyste , waan dagaallami doonaa.”

Mareykanka, wuxuu arkay khatar ka dhan ah oo ka socota Venezuela, halkaa oo ay saldhigyo ka furteen; Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan, kuwaasoo billaabay inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Mareykanka , wuxuuna ka cabsi qabaa Mareykanka in halkaa la keeno gantaallo, lana hubeeyo kooxaha daroogada si ay weerarro uga fuliyaan gudaha Mareykanka , si loogu furo dagaal gudaha ah oo lagu xannibo, tan ayaa ka dhigaysa inuu Mareykanka u degdegayo inuu ka hortaggo khatartaa.

Waxaan ku xasuusinaya in horey Putin u yiri “ Kuma burburin karno Mareykanka dagaal lagu qaado, si loo burburiyo waa in dagaallo looga furo gudaha oo dadka Mareykanka ee hubeysan cadaadis dusho loo saara, illaa ay xabbo furaan.”

Maxaa ka socda gudaha Mareykanka;

Si aan horey loo arag, magaalooyinka waa weyn ee Mareykanka oo ay ku jirto caasimadda Washington, DC, waxaa lagu daabulay ciidan badan oo milatari ah. Dhaqdhaqaaqa waxaa lagu sheegay in lagu joojinayo dilalka iyo rabshadaha amni darro ee ka dhacaya magaalooyinka Mareykanka , laakin tilmaamaha in wax intaa ka badan uu Mareykanka qorsheynayo ayaa ah wax aan meesha laga saari karin.

Toddobaadkan Trump , ayaa laga maqlay; “ Haddii Mareykanka uu dagaal ku lug yeesho, kama dhici doonto doorasho. Waan arki doonaa.”

IMAN JAMA

Ad