Home Wararka Maanta Raisal Wasaare Xamze oo xilka ka qaaday Masuul u gafey Madax Hore...

Raisal Wasaare Xamze oo xilka ka qaaday Masuul u gafey Madax Hore iyo Qabiilo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Bashiir Macallin Cali Xasan.

Wareegtada Raísul Wasaare Xamse Barre soo saaray ayaan lagu shaacin sababta xilka looga qaaday Agaasime Bashiir, waxa uuna Raísul Wasaare Xamse Barre u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Cumar Cali Afrax .

Agaasimaha xilka laga qaaday, ayaa horey uga caanbaxay wax ka sheegida iyo aflagaadeynta qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka uu kamid yahay Madaxweyne Farmaajo, waxa uu sidoo kale u gafey dadka dega deegaannada Koonfur Galbeed.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa xilalka ka qaaday masuuliyiin katirsanaa hay;adaha kala duwan ee dowladda , kuwaa oo caan ku ahaa in ay si waali ah u taageeraan Madaxda dowladda , sidoo kale wax ka sheegaan siyaasiyiinta mucaaradka.

Ad