Koox dambiilayaal hubeysan, ayaa weerar dhaliyay khasaaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa ay ku qaadeen goob lagu caweeyo oo kutaalla magaalada Santa Lucia oo katirsan gobolka Guayas ee dalka Ecuador.
War kasoo baxay booliiska dalka Ecuador. ayaa lagu sheegay in rag hubeysan rasaas ku fureen dad isugu soo baxay bannaanka goob lagu caweeyo oo kutaalla magaalada Santa Lucia, waxa ayna booliiska sheegeen in goobta ka baxsadeen ragii falka toogashada ah geestay.
Booliiska, ayaa xaqiijiyay in toogashadan lagu dilay sideed qof , halka tiro kale oo badana lagu dhaawacay, kuwaa oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo isbitaalada, waxaana dadka la dilay ku jira milkiilihii goobta lagu caweenayay.
Gobolka weerarka ka dhacay ee Guayas, waxa uu kamid yahay gobolo katirsan dalka Ecuador oo Madaxweynaha dalkaasi galiyay xaalad degdeg ah, kaddib markii ay kusoo bateen kooxo burcad hubeysan oo rabshado hubeysan kawada gobolada xaalada degdega ah la galiyay.