Home Wararka Maanta Dowlada Somaliya oo Bilowday Qorshe lagu Furayo Wadooyinka Muqdisho ee Xiran

Dowlada Somaliya oo Bilowday Qorshe lagu Furayo Wadooyinka Muqdisho ee Xiran

0

Wasaaradda amniga gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaawday qorshe dib loogu furayo wadooyinka xiran ee ku yaala gudaha magaalada Muqdisho, si meesha looga saaro culeyska iyo ciriiriga ay wajahayaan shacabka iyo gaadiidleyda ku nool magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulan la qaatay guddiga loo xilsaaray in xal ka gaaraan saxmada iyo ciriiriga ka jira wadooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo wasiirka la wadaagay warbixino la xariira xalka wadooyinka xiran.

Guddigan oo ka kooban Hay’addaha amniga, maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalka ayaa wasiirka u soo bandhigay dhibaatooyinka ka dhasha ciriiriga gaadiidka ee waddooyinka Muqdisho iyo sidii qiimeyn rasmi ah loogu sameyn lahaa wadooyinka xiran si dib loogu furo.

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya ayaa faray guddigan iney si degdeg ah u bilaabaan howlaha, islamarkaasna soo diyaariyaan qorshe lagala soo tashaday hay’adaha amniga, gaadiidka, iyo maamulka degmooyinka gobolka Banaadir.

Qorshahaan dib loogu furayo wadooyinka xiran ayaa imaanaya, iyadoo mudo dhowr sano ah xiran yihiin wadooyinka loo yaqaan Jid cadayaasha Magaalada Muqdisho oo ay ku go’an dhagaxyo waa weyn, waxaana talaabadaasi horay dowladda u sheegtay iney la xariirto sidii loo xaqiijin lahaa Amniga guud ee magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleWar Hada Ah:- Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Kulliyada Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Next articleCiidamo Gadoodsan oo maanta la Wareegay Hotelka Jidbaale ee Magaalada Laascaanood