Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskiy, ayaa maanta soo jeediyey in la dhaqan-galiyo xabbad-joojin ilaa wakhtiga la qabanqaabinayo kulan uu la yeelanayo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
“Soo jeedinteyda, oo aan aaminsanahay in saaxiibadeenu ay taageeri karaan, waa in aan u soo jeedino Ruushka xabbad joojin ilaa ay hoggaamiyayaashu kulmaan,” Zelenskiy ayaa u sheegay warbaahinta.
2-dii June wada-hadallada nabadeed ee Ruushka kula yeeshay Istanbul ayaa wax yar oo horumar ah ka sameeyay soo afjaridda dagaalka saddexda sano ah ee Ukraine.
marka laga reebo soo jeedinno la isweydaarsaday iyo qorshe la isku dhaafsado maxaabiista dagaalka, kaas oo Zelenskiy uu sheegay in uu dhici doono dhammaadka usbuucan.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad