Home Wararka Maanta Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka...

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

0

War kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ay gacanta kusoo dhigeen dhagar-qabeyaal ka tirsan Al shabaab kuwaas oo ku howlanaa in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada Muqdisho.

Warka Hay’adda ayaa shaaca looga qaaday in Howlgalka oo shalay galab dhacay lagu qabtay labo dhagar-qabe oo lagu kala magacaabo, Nuur Muxudiin Jabriil iyo Maxamed C/raxmaan Maxamuud, kuwaas oo xilliga gacanta lagu dhigay ku howlanaa in ay soo gelinayeen magaalada, 8 miino oo isugu jiray; 3 nooca soo boodda ah, 5 nooca dhejiska ah, iyo 2 bambo F1.

Dadkaan gacanta lagu soo dhigay ayay Hay’adda Sirdoonka muujisay inay wajihi doonaan Cadaalada maadama ay ku howlanayeen falal lidi ku ah amaanka guud ee Caasimadda iyo ku lug lahaanshiyahoodi Kooxda Al-shabaab oo Dowladda dagaalka kala soo horjeeda.

Sidoo kale, howlgal qorsheysan oo ciidanka NISA, ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley waxa ay kusoo qabteen dhagar-qabe lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdi oo Al shabaab dhexdeeda looga yaqaanay Macruuf iyo Cali foowdo, kaas oo dhawaan ay Al shabaab u soo direen magaalada Muqdisho si uu falal argagixiso uga fuliyo, kaddib markii Sirdoonka Qaranku uu horey ugu guuleystay in uu soo afjaro Shabakadihii Al shabaab ee qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa xoojiyay howlgallada lagu cirib-tirayo haraadiga Al shabaab iyo Maleeshiyaadkoodi ee wali isku dayaya in ay maleegaan falalka argagixiso ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu soo gaba gabeeyay warka kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleWafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho
Next articleXubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe