Home Wararka Caalamka Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

0

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay jariidada New York Times.

Jariidada waxa ay shaaca ka qaaday in Sharciga cusub ee soo gelitaanka Mareykanka ay saameyn doonta 43 dal, waxaana la sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay soo jeedisay in dalalkan loo kala saaro saddex qeybood.

Muwaadiniinta dalalka ay ku jiraan kooxda koowaad waxaa laga mamnuuci doonaa inay ka gudbaan xadka Mareykanka, sida Yemen, Libya, Syria, Somalia, iyo Sudan, marka lagu daro Afghanistan, Bhutan, Venezuela, Iran, North Korea, iyo Cuba sida kuxusan qorshaha Wasaaradda oo nuqul kamid ah ay heshay jariidadaan.

Qaybta labaad waxay ku soo rogtay xayiraad weyn oo dhanka booqashooyinka Mareykanka waxaana ku jira 10 wadan kuwaasi oo kala ah Russia, Belarus, Haiti, Laos, Myanmar, Pakistan, Sierra Leone, Turkmenistan, Eritrea, iyo South Sudan.

Kooxda saddexaad waxaa ku jira waddama ay muwaadiniintoodu saaran tahay mamnuucid ama gebi ahaanba in ay galaan Maraykanka, waxayna kala yihiin: Angola, Antigua iyo Barbuda, Benin, Burkina Faso, Vanuatu, Gambia, Dominican Republic, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Zimbabwe, Cape Verde, Cambodia, Cameroon, Congo, Liberia, Mauritania, Malawi, Mali, Sao Tome iyo Principe, Guinea, Saint-Centre, iyo Chat.

Dhanka kale, wargeysku wuxuu sharraxay in saddexda liis ay wasaaradda arrimaha dibadda soo saartay dhowr toddobaad ka hor, lagana yaabo in wax laga beddelo.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleMagaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay
Next articleHargeysa oo laga Mamnuucay qaadashada hubka fudud sida midiyaha