Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal.
Shir jaraa’id oo ay Qudus ku qabteen wasiirrada arrimaha dibadda ee Israa’iil iyo Itoobiya, Gideon Sa’ar iyo Gedion Timotheos, ayuu Sa’ar sheegay inuu xidhiidh ka dhexeeyo kooxaha Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo dagaal kula jira Israa’iil, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in labada dal iska kaashadaan la dagaalankooda.
“Argagixisadu waa khatar aynu wadaagno, waxaynu aragnaa kooxaha xagjirka ah ee gobolka sida Xamaas, Xisbullah, Jihaadiyiinta Suuriya iyo Al-Shabaab. Argagixisada waa in la cidhibtiro,” ayuu yidhi Sa’ar, sida lagu baahiyay The Times of Israel.
Waxa uu sheegay in Itoobiya ay qayb weyn ka qaadato la dagaalanka Al-Shabaab, isla markaana ay Xuutiyiintu khatar ku yihiin ammaanka Israa’iil iyo marinada ganacsiga ee Badda Cas, isaga oo khatar u arka xidhiidhka la sheegay in uu ka dhexeeyo Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta, isla markaana aaminsan in lala wada dagaalamo labada kooxood.
Israa’iil waxay khatar u aragtaa xidhiidh dhawaan Mareykanku sheegay inuu ka dhexeeyo kooxda Al-Shabaab oo ka tirsan ururka Al-Qaacida iyo Xuutiyiinta Yemen, oo ka cadhaysan dagaalka ay Israa’iil ku qaaday Qaza, isla markaana weerarro u geysta maraakiibta ganacsiga Israa’iil.
Sidoo kale, Itoobiya oo ka mid ah dowladaha aan badda lahayn, balse shixnadaha ganacsigu ay u soo maraan Badda Cas, ayaa Xuutiyiinta u aragta khatar, iyadoo dhowr jeer sheegtay in Addis Ababa ay muhiim u tahay inay door ku yeelato amniga Badda Cas.
Dowladaha Israa’iil iyo Itoobiya ayaa sheegay inay sii xoojinayaan xidhiidhkooda iskaashi. Sa’ar ayaa sheegay in xidhiidhka Itoobiya iyo Israa’iil uu soo bilowday xilligii Baybalka, isla markaana qoomiyad Yuhuud ah ay ku nooshahay Itoobiya.