Home Wararka Maanta Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

0

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ku-meel-gaadhka ah ee Tigray, Lt. Gen. Tsadkan Gebretensae, ayaa ka digay ifafaale colaadeed oo ka taagan xadka labada waddan, kadib abaabulka ciidan ee ay dhinacyadu sameeyeen maalmahan u dambeeyay.

“Markasta ayuu dagaal ka dhex qarxi karaa Itoobiya iyo Ereteriya,” ayuu yidhi Gebretensae, oo qoraal faallo ah ku baahiyay jariidada The Africa Report, isaga oo muujiyay inuu cabsi ka qabo in gobolka Tigray uu noqdo garoonka dagaalka labada dhinac. Waxa uu sheegay in fursadda lagu joojin karo dagaalku ay sii yaraanayso.

Waddamada Itoobiya iyo Ereteriya oo muddo dheer cadow ahaa, ayaa heshiiyay sannadkii 2018, kadib markii Abiy Axmed uu qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyadoo Ereteriya ay Itoobiya ka caawisay dagaalkii ka dhanka ahaa TPLF. Laakiin colaadda ayaa soo cusboonaatay kadib heshiiskii Pretoria ee u dhexeeyay TPLF iyo dowladda Itoobiya.

Dowladda Ereteriya oo dhawaan ku dhawaaqday abaabul buuxa oo ciidan, ayay Itoobiya sheegtay inay doonayso inay ka faa’iidaysato khilaafka ka dhex taagan madaxda TPLF iyo maamulka ku-meel-gaadhka ah ee Tigray, kaasi oo laga cabsi qabo inuu markale sababo dagaal galaafta nabadda jilicdasan ee gobolka.

“Asaias Afwerki wuxuu isku dayayaa inuu ka faa’iidaysto kala qaybsanaanta ka dhex jirta TPLF, si uu u wiiqo heshiiskii nabadda ee Pretoria,” ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee Itoobiya, Mulatu Teshome, oo u warramay Al Jazeera. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale damaca helitaanka marin baddeed ee Itoobiya
ay cabsi galisay dowlada Ereteriya, isla markaana ay doonayso in ay ka hor takto dagaalo laga yaabo in Itoobiya ay ku qaado dekedaha ganacsi ee dalkaas.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Ereteriya, Yemane G. Meskel, ayaa dowladiisa ka fogeeyay eedaha uga imaanaya Itoobiya. “Heshiiska Pretoria waa arrin khuseysa arrimaha gudaha Itoobiya, yaan xuduudaha laga tallaabin,” ayuu yidhi, isaga oo sheegay in dowladiisu aanay xiiso u hayn inay faraha la gasho arrimaha gudaha Itoobiya.

Warbixin lagu daabacay Foreign Policy ayaa ugu baaqday Midowga Afrika, waddamada Khaliijka iyo Galbeedka, inay si degdeg ah usoo farageliyaan xaaladda, oo laga cabsi qabo inay isku beddesho dagaal galaafta nabadda gobolka iyo marinada ganacsi ee Badda Cas.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleWarar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur
Next articleMaxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah