Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa horyaalay ansixinta Labada hindise sharciyeed ee kala ahaa hindise sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed iyo hindise sharciyeedka Canshuurta dakhliga.
Intaan ajandaha ansixinta laguda galin waxaa ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Nuux uu dhaariyay Maxamed Cabdi Cali oo ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.
Intaasi ka dib mudanayaasha golaha shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139-xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusay ma jirin.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud ayaa Xildhibaanadda Golaha uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka Cadaaladda da’yarta Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka sharciga canshuurta dakhliga, waxaana ogolaatay 138-xildhibaan, laba xildhibaan ayaa diiday hal xildhibaanna waa uu ka aamusay.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka sharciga canshuurta dakhliga oo uu sheegay in uu faa’iido weyn u leeyahay nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Ugu dambeeyn Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyay hindise sharciyeedka sharciga hay’addaha Maaliyadda iyo hindise sharciyeedka shirkadaha Caymiska, waxaana guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray uu faray guddiga ay quseyso in labada Hindise sharciyeed soo diyaariyaan akhrintooda sedaxaad dibna golaha ugu soo celiyaan.