Home Wararka Maanta Booliska Soomaaliya oo Xabsiga ku guray ragii ka Danbeeyey Dagaalkii Qaraaraa ee...

Booliska Soomaaliya oo Xabsiga ku guray ragii ka Danbeeyey Dagaalkii Qaraaraa ee shalay ka dhacay Muqdisho

0

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal gelinkii dambe ee Talaadadii shalay ka dhacay gudaha degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kaas oo u dhexeeyay Booliska iyo rag kale oo hubeysan oo ku sugnaa guri laga dhisayay waaxda Neero ee degmadaasi.

Afhayeenka Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa soo bandhigay hub ay soo qabteen ciidamada amniga, kadib dagaalkii ka dhacay degmada Cabdicasiis, wuxuuna tilmaamay in lasoo xiray 3 eedeysane, 4 kalena ay baxsadeen.

Cabdifitaax ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Booliska oo fulinayay amar kasoo baxay maxkamadda ay soo weerareen kooxdaas oo lasoo abaabulay, sida uu hadalka u dhigay.

“Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga degmada Cabdicasiis oo fulinaayo amar kasoo baxay maxkamadda ayaa waxaa soo weeraray kooxo abaabulan oo dano gaar ah leh oo raba inay si sharci darro ah ku dhistaan dhul” ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Awaamiirta kasoo baxda maxkamadda waxa uu Booliska Soomaaliyeed u xil saaran yahay inuu fuliyo, waana la fuliyay howlgalkii”.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in haatan ay socoto baaris, isla markaana maleeshiyaadka gaystay falkan oo uu hoggaaminayay nin ka tirsan Booliska lagula xisaabtami doono khasaarihii ka dhashay dagaalkaasi.

Afhayeenka Booliska ayaa sidoo kale u digay cid kasta oo isku deyda inay ka hortimaado sharciga, isaga oo ku goodiyay inay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharci ah.

Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca isku dhacyo hubeysan, kuwaas oo gaysta khasaarooyin oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo bubur hantiyeed oo xooggan.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleWar cusub oo kasoo kordhay duqeyntii Mareykanku dhowaan la beegsaday Daacishta Soomaaliya
Next articleTrump miyuu la bixi doonaa Ciidamada maraykanka ee Gudaha Soomaaliya Jooga?