Home Wararka Maanta Maxkamada Ciidamada oo Maantay Go,aan layaab leh ka gaartay lamaane Alshabaab ah...

Maxkamada Ciidamada oo Maantay Go,aan layaab leh ka gaartay lamaane Alshabaab ah oo is qabay

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta go’aan rasmi ah ka gaartay kiiska lamaanihii Al-Shabaab ee kasoo muuqday maxkamadda, kuwaas oo hadal heyn ka dhaliyay baraha bulshada ee Internet-ka.

Kiiska ayaa ka dhashay kadib markii maxkamadda la horgeeyay Xafsa Maxamed Macallin oo loo haystay inay u socotay Seygeeda oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo ku sugnaa aagga degmada Ceelbuur, iyada oo lala soo qabtay haween kale oo kusii jeeday dhulka Shabaab.

Arrinta ayaa sidoo kale waji cusub yeelatay, kadib markii uu isa soo dhiibay Seyga Xafsa oo isna usoo gacan galay dowladda, kaas oo lagu magacaabo Abshir Aadan Maxamed.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa sheegay in markii u arkay in xaaskiisa ay saaran tahay maxkamadda ciidamada uu go’aansaday inuu kasoo baxo Al-Shabaab, si uu badbaadiyo xaaskiisa, maadaama aanu lahayn wax dambi ah, loona haystay in isaga ay u socotay.

Maanta maxkamadda ciidamada ayaa lamaanahan dib u siisay xoriyadooda, waxayna taageertay guurkooda oo haatan la qorsheynayo.

Abshir Aadan oo goobta ka hadlay, isaga oo ay hareero taagaan yihiin xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay go’aanka maxkamadda, wuxuuna farriin u diray saaxibadiisii hore ee ku jira kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Dowladda si wanaagsan ayay noo soo dhaweysay waxaan leeyahay dadka arinta na haysatay ay haysato ka faa’iideysiga fursaddan idin muuqato”.

Dhinaca kale wasiirada iyo xildhibaannada ku sugnaa maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in laamahan la taageeri doono, si ay u dhistaan qoyskooda, waxaana lagu wareejiyay lacag, taas oo qayb ka ah dhismaha qoyskooda oo ay dowladdu ka taageereyso.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleRooboow oo Shaaciyay inuu Markasta Alle Waydiisto inuu ka Cafiyo Khaladkii uu ku gaystay Alshabaabnimada
Next articleXamaas oo maantay soo bandhigtay Qori ay ka Argagaxeen Israil