Home Wararka Maanta Dagaal Saacada Badan Qaatay oo Wali kasocda Baardheere iyo Saraakiil ku dhimatay

Dagaal Saacada Badan Qaatay oo Wali kasocda Baardheere iyo Saraakiil ku dhimatay

0

Dagaal Qaraar ayaa Saakay Salaadii Subax kadib Ka Qarxay Magaalda Baardheere ee Gobalka Gedo Dagaalka ayaana Ka socda Xarunta Degmada Baardheere Khasaaro Badan oo isugu jira Dhimasho iyo dhaawac ayaa Lasoo sheegayaa inay kala Gaareen labadii Dhinac.

Dagaalkaan ayaa Yimid kadib Markii Shalay Ciidamo Taabacsan Axmed Madoobe ay Xoog kusoo galeen Xarunta Degmada Baardheere oo ay Horay u maamulayeen Ciidamo Taabacsan Dowlada Soomaaliya.

Ciidamada Jubaland ayaan qabsaday Shalay Dagaal la,aan qaybo ka mid ah Xarunta Degmada oo ay xalay ku hoydeen Ciidamada Dowlada oo arinkaas ka Carooday ayaa saakay Dagaal ku qaaday Halkii ay ku sugnaayeen Ciidamada Taabacsanaa Jubaland kuwaas oo ayaguna dagaal kala Hortagay Kuwa Dowlada Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ilaa Hada la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday Madixii arimaha Bulshada ee dhawaan Dowlada Soomaaliya u magacowday Magaalada Baardheere Sidoo kale waxa Dagaalka Ku dhaawacmay Gudoomiye ku xigeenkii Degmada Baardheere ee dhinaca Axmed Madoobe iyo saraakiil kale.

Dowlada Soomaaliya ayaa Hada inta Badan Dagaal kula wareegtay Xarunta Degmada Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay Jubaland iyo Dowlada Soomaaliya oo ku aadan Dagaalkaan kasocda Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Ad
Previous articleMaraykanka oo ku Dhawaaqay inay La wareegi Doonaan Marinka GAZA