Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hakiyay canshuur-kodhinti uu saaray badeecadaha ay Canada iyo Mexico u soo dhoofiyaan Mareykanka, canshuurtaas oo gaareysay 25%, taas oo abuurtay xiisad xooggan.
Go’aanka madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid kaddib marki uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Mexico haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum iyo Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau.
Qoraal uu soo dhigay baraha ay ku xiriirto bulshada ayuu Trump ku sheegay, “in u uku faraxsanyahay natiijada horudhaca ah ee arrintan kasoo baxday, isla markaana muddo 30 maalin ah la hakiyay tacriifta si uu u arko in la gaari karo heshiis dhaqaale oo kama danbeys ah oo uu la galo Canada.
Ra’iisul wasaaraha Canada Trudeau ayaa isna dhankiisa sheegay, in Canada ay geyn doonto xadka ay la wadaagto Mareykanka ciidan iyo qalab cusub oo tiknolooji ah ah, si loo joojiyo qul qulka daroogada fentanyl.
Wuxuu sheegay in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweyne Trump,” “Canshuurta lasoo jeediyay waxaa la hakiyay muddo 30 cisho ah, halka aan sii wadeyno wada shaqeynteenna.” Ayuu yiri.
Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum ayaa sheegtay in ay xadka Mexico uu la wadaago Mareykanka u direyso ilaa 10,000 oo askari oo ka tirsan millatariga, si ay u xakameeyaan daroogada nuuceeda dilaaga ah ee loo yaqaanno fentanyl, taas oo Mareykanka kasoo gasha dhanka Mexico.
Waxay intaasi ku dartay in madaxda labada waddan ay sii wadi doonaan wada hadalladooda ku aaddan dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga, isla markaana arrinta canshuurta muddo bil ah la hakinayo.
Inkasta oo la hakiyay tacriifti uu madaxweyne Trump saaray Mexico iyo Canada, haddana waxaanan wali waxba laga baddalin canshuurti uu saaray Trump badeecadaha uu Shiinaha u soo dhoofsho Mareykanka.