Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ka ah ee maamulka Jubbaland, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaallanka kooxaha Argagixisada ayaa waxaa lagu beegsaday guri ku yaalla xaafadda New Kismaayo, kaas oo ay ku jireen saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada oo ka war helay raggan oo tiradooda lagu sheegay saddex nin ayaa ugu tegay guriga, waxayna goobta ku dileen laba kamid ah, halka ay soo qabteen mid kale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Jubbaland.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka saddexda nin ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan, waxaana ka war helay ciidanka oo sidaas ugu daatay guriga ay joogeen.
“Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaalanka kooxaha Argagixisada ayaa goor dhow u daatay guri ku yaala xaafadda New Kismaayo, kaasi oo ay ku jireen sadex kamida Argagixisada gaar ahaan kuwa qaabilsan madax jabiska sida aan xogaha ku helnay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidamada Jubaland gaar ahaan kuwa gaarka ah ee qaabilsan ladagaalanka Argagixisada oo hayay xogta dhagar qabayaasha, ayaa ku guuleystay in sadexdii dhagar qabe labo kamida ay dilaan, halka kii kalana ay nolosha ku qabteen.”Waxaa sidoo kale isla xalay howlgal kale oo amni xaqiijin ah ciidamada Booliska Jubbaland ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo, kaas oo ay hoggaaminayeen saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska.
Kismaayo ayaa waxaa mararka qaar weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan ka fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xooggan gobollada Jubbooyinka.