Home Wararka Maanta Yaa Ka Danbeeyey Dilkii Salwan Momika oo Kitaabka Quraanka ku Gubay Swedan?

Yaa Ka Danbeeyey Dilkii Salwan Momika oo Kitaabka Quraanka ku Gubay Swedan?

0

Shantii eedaysane ee loo haystay dilka Salwan Momika, kaasoo sannadkii 2023-kii marar badan gubay nuqullo ka mid ah kitaabka Qur’aanka Kariimka, ayaa dhammaantood la sii daayay, sida uu sheegay xeer-ilaaliye kiiskan gacanta ku hayay.

“Shakigii markii hore jiray hadda wuu daciifay, mana jirto sabab aan hadda dadkan ugu sii hayno xabsiga falkii dilka ahaa ee Arbacadii dhacay,” ayuu yiri xeer-ilaaliye Rasmus Oman oo war-saxaafadeed soo saaray, isagoo raaciyay in baaritaanku uu weli socdo.

Momika, oo 38 jir ahaa, ayaa Arbacadii lagu toogtay guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Sodertalje, oo dhinaca koonfureed kaga toosan caasimadda Stockholm, halkaas oo uu deggenaa. Waxaa la xaqiijiyay in uu isbitaalka ku geeriyooday wax yar kaddib markii la toogtay.

Shanta qof ee loo xiray kiiskan ayaa la qabtay habeenimadii Arbacada, saacado kooban uun kaddib markii toogashadu dhacday.

Maxkamad ku taalla Stockholm ayaa la filayay inay Khamiistii go’aan ka gaarto in Momika, oo ahaa Kirishtaan asal ahaan ka soo jeeda Ciraaq, uu ku kacay kicinta naceyb qowmiyadeed, laakiin waxay shaacisay inay dib u dhigtay go’aankeeda illaa 3-da Febraayo, sababo la xiriira geeridiisa awgeed.

“Si buuxda ayuu ula socday in khatar aad u weyn ay naftiisa ku soo fool lahayd,” ayay qareenkiisa Anna Roth u sheegtay wakaaladda wararka TT ee dalka Sweden.

Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa sheegay in laga yaabo in dowlad shisheeye ay ku lug lahayd dilka toogashada ah ee ninkii ka soo horjeeday diinta Islaamka.

“Waxaan idin xaqiijin karaa in hay’adaha amnigu ay si qoto dheer ugu lug leeyihiin baaritaanka kiiskan, maxaa yeelay waxaa jirta khatar muuqata oo ah in falkan uu xiriir la leeyahay quwad shisheeye,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Ebba Busch, ayaa iyaduna si kulul u cambaaraysay falka dilka ah. “Waa weerar lagu qaaday dimoqraadiyaddeena xorta ah. Waa in lagu wajaho awoodda buuxda ee bulshadeenna,” ayay ku soo qortay barteeda X (oo markii hore loo aqoon jiray Twitter).

Sannadkii tegay, hay’addu waxay shaaca ka qaadday in dawladda Iiraan ay adeegsanaysay shabakado dambiilayaal ah oo ka howlgala gudaha Sweden si ay u fuliyaan falal rabshado wata oo ka dhan ah dowlad, kooxo iyo shakhsiyaad gaar ah.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamo Cusub oo Farabadan kana Mid ah gorgor oo tababar Muqdisho loogu soo xiray
Next articleJabuuti oo Duqayn Diyaaradadeed Ku laysay Itoobiyaan Badan