Home Wararka Maanta Donald Trump oo ku adkeystay inay Qasab ku aqbalayaan Masar iyo Urdun...

Donald Trump oo ku adkeystay inay Qasab ku aqbalayaan Masar iyo Urdun dadka barakacay ee reer Gaza

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii ku adkeystay in Masar iyo Urdun ay qaabili doonaan dadka barakacay ee reer Gaza, inkastoo labada dal ee Carabta ay si cad u diideen qorshihiisa ku aaddan in Falastiiniyiinta laga raro dhulkaas.

Hadallada Trump ayaa yimid maalin ka dib markii madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, iyo Boqorka Urdun, Cabdalla II, ay si adag u diideen in si qasab ah looga barakiciyo dadka Gaza, ka dib dagaalkii ka dhex qarxay Xamaas iyo Israa’iil.

“Way samayn doonaan,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha isaga oo jooga xafiiskiisa Oval-ka, markii la weydiiyey jawaabtiisa diidmada Masar iyo Urdun, iyo inuu ka fakari doono inuu ku soo rogo tacriif labada dalba si uu ugu qasbo.

“Way samaynayaan. Wax badan ayaan u qabannaa, waana inay sameeyaan,” ayuu yiri.

Ka dib markii xabbad-joojin dhexmartay Israa’iil iyo Xamaas ay dhaqan gashay Janaayo 19-keedii, Trump ayaa toddobaadkii hore soo jeediyay qorshe “lagu nadiifiyo” Marinka Gaza, isagoo ku taliyay in Falastiiniyiinta loo raro goobo “ammaan ah” sida Masar ama Urdun.

Wuxuu sheegay in dagaalkii 15-ka bilood socday uu dhulka Falastiiniyiinta ka dhigay “meel burbur ah.”

Ergeyga Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa toddobaadkan booqasho aan caadi ahayn ku tagay Gaza, sida uu sheegay Aqalka Cad, iyadoo ujeeddadu ahayd in la xoojiyo xabbad-joojinta jilicsan. Waxa kale oo uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Madaxweynaha Masar, Sisi, oo ah xulufo muhiim u ah Maraykanka, ayaa Arbacadii, jawaabtiisii ugu horreysay ee hadallada Trump, ku sheegay in barakicinta “dadka Falastiiniyiinta ah ee dhulkooda ay tahay caddaalad darro aanan marnaba oggolaan karin.”

Boqorka Urdun, Cabdalla II, ayaa isna si gooni ah u adkeeyay “mawqiifka adag ee dalkiisa ee ku saabsan baahida loo qabo in Falastiiniyiinta lagu hayo dhulkooda.”

Tan iyo bilowgii dagaalka Israa’iil iyo Xamaas bishii Oktoobar 2023, Masar iyo Urdun labaduba waxay si isdaba joog ah uga digeen qorshooyin lagu barakiciyo Falastiiniyiinta Gaza iyo Daanta Galbeed ee xuduudahooda.

Ad
Previous articleAmarada Trump ee Soomaalida Sida Gaarka ah u Saamaynaaya
Next articleXasan Shiikh oo Shaaciyay in Trump Doonaayo inuu Aqoonsado Soomaaliland