Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Si aan Trump uga Goosan Dhaqaaalaha Qaaday Talaabo layaab...

Dowlada Soomaaliya oo Si aan Trump uga Goosan Dhaqaaalaha Qaaday Talaabo layaab leh

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkadda BGR Group, oo ah shirkad caan ah oo ku taalla Washington una ololeysa danaha dowladaha, si ay ugu ol’oleyso sii socoshada taageerada milateri ee Mareykanka ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah, oo ay ku jirto Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa muujineysa walaaca sii kordhaya ee la xiriira isbeddellada iman kara ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaalmada Mareykanka ka qaadato dadaallada la-dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya.

Heshiiskan oo socon doona muddo hal sano ah, isla markaana ku kacaya $600,000, ayaa bishii December 2024 waxaa si wadajir ah u kala saxiixday Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, Daahir Xasan Carab, iyo shirkadda BGR Group, oo xiriir dhow la leh hoggaanka xisbiga Jamhuuriga iyo saraakiil hore oo ka tirsanaa dowladda Mareykanka.

Khibradda ay shirkaddu u leedahay la macaamilka dhinacyada siyaasadeed ee Mareykanka ayaa la filayaa inay kor u qaaddo dadaallada ol’oleyn ee Soomaaliya ay ka waddo Aqalka Koongareeska iyo maamulka Trump.

Ku tiirsanaanta Soomaaliya ee taageerada milateri ee Mareykanka ayaa si aad ah u korortay waayadii dambe, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Kooxdan mintidka ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa in ka badan toban sano ka wadday gudaha Soomaaliya kacdoon arxan-darro ah.

Duqeymaha cirka ee Mareykanka, is-weydaarsiga xogaha sirdoonka, iyo tababaridda ciidamada Soomaaliya ayaa door laf dhabar ah ka qaatay wiiqidda awooddii kooxdu ku haysatay dhul ballaaran oo ka tirsan dalka.

Ka-qeybgalka milateriga Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya ayaa maray heerar kala duwan. Bishii December 2020, Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa amar ku bixiyay in dalka laga soo saaro ku dhawaad 700 oo askari oo Mareykan ah oo ku sugnaa, isagoo marmarsiiyo ka dhiganayey rabitaan ah in la soo afjaro “dagaallada aan dhammaadka lahayn.”

Hase yeeshee, Madaxweyne Joe Biden ayaa go’aankaas buriyay sanadkii 2021-kii, wuxuuna dib ugu soo celiyay dalka boqolaal askari si ay u gacan siiyaan ciidamada Soomaaliya ee howl-galladooda la-dagaallanka argagixisada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka cabsi qabta in dib u soo laabashada maamulka Trump ama isbeddel ku yimaada siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay khatar gelin karaan taageeradan muhiimka ah.

Shaqaaleysiinta shirkadda BGR Group ayaa loo arkaa tallaabo ka-hortag ah oo lagu xaqiijinayo sii socoshada kaalmada milateri ee Mareykanka, taas oo ay mas’uuliyiinta Soomaalidu ku tilmaameen “udub-dhexaadka” dadaalladooda ku aaddan xasilinta dalka.

Waajibaadka shirkadda BGR Group waxaa ka mid ah u doodista sii socoshada kaalmada milateri ee Mareykanka, helidda dhaqaale lagu taageero ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyo xoojinta taageerada labada xisbi ee Mareykanka ee dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

Xiriirka ay shirkaddu la leedahay hoggaamiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa ah mid istaraatiiji ah, marka la eego suurtagalnimada in xisbiga Jamhuuriga uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sanadka 2024.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAlshabaab oo maantay Mar kale Qabsaday Beerayabaal iyo Dagaal Qaraar oo Dhacay
Next articleTrump oo Inta badan Diidmo Kala Kulmay Wadamada Islaamka Qorshihiisa reer Falastiin uu ku Barakicin lahaa