Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo Wareysi gaar ah bixiyay waxa uu uga hadlay xaaladdii loosoo maray in Ciidamada Masar ay aqbasho Dowladda si ay qayb uga noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar uu ka dhaxeeyo cilaaqaad muddo fog kahor soo billowday, waxa uu si daahsoon u sheegay in bilhii lasoo dhaafay dhinacyo kala duwan laga soo tuurayay sidii Masar looga hortaagi lahaa howlgalkaan cusub ee billowday 2025.
Ma uusan magac xusin cidda ama dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku cadaadiyay sidii Dalkaan dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika kana mid ah Dalalka safka hore kasoo galay dhinaca awoodda Qaaraddaan ee Masaarida.
“Bilihii lasoo dhaafay waxaa jiray cadaadis Masar looga reebi rabay howlgalka Midowga Afrika, dhinacyo kala duwan ayaa laga soo tuuray arrintaas, Jabuuti & Dalalka kale ee deriska ayaa howlgalkaan ku jira balse culeyska waxaa la saaray Masar ku biiristeeda howlgalkaan” Dr Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga XFS.
Dhinaca kale, waxa uu ku dheeraaday dhinac cilaaqaadka Masaarida ee Soomaaliya, waxa uu tilmaamay in aanay arrin cusub ahayn in Xukuumadda Qaahira ay garab istaagto dhiggeeda Muqdisho balse arrinta keliya ee la hadal hayo ay tahay in ciidanka Dalkaas ay soo galayaan ciidda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Masaarida ay taageerto ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka, gacan ka geysato tababarkooda iyo qalabeyntooda, sidaas awgeed ayuu sheegay in aanay jirin sabab keeni karta in laga reebo ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.
Itoobiya oo xiisad dhinaca wadaagga Biyaha Nile kala dhaxeysa Masaarida ayaa dhowr jeer qaadday tallaabooyin ay ku hor istaageyso in Dalkaas uu saami ku yeesho ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM, Qaahira ayaa dedaalkii ay gelisay ka gungaarista howlgalkaan ugu dambeyn ku guuleysatay 25kii Bishaan oo laga aqbalay xubinnimada Howlgalkaan billowday 2025.