Home Wararka Maanta Trump oo laga diiday Go,aan uu Ku dhawaaqay markii Xilka La wareegay

Trump oo laga diiday Go,aan uu Ku dhawaaqay markii Xilka La wareegay

0

Madaxweynaha bartamihii todobaadkaan xilka la wareegay ee Donald Trump ayaa lagu diiday go’aanka uu ku joojiyay in shahaadada muwaadinnimada lagu siiyo Carruurta ay Dalkaas ku dhalaan soogalootiga sida sharci darada ah ku galay.

Garsooreyaal badan ayaa si cad u diiday iyaga oo dood ka dhigtay in uu qodobkaas si toos ah uga hor imaanaya Dastuurka Maraykanka oo si cad u qeexaya in qofka ku dhasha ciidda Dalkaas uu si toos ah u noqonaya Muwaadin ameerikaan ah.

Trump ayaa lagu wargeliyay in aanay qodobkaas dhaqangeli Karin sababtaas kor ku xusan darteed, waxaa la siiyay fursad ah in uu Baarlamaanka Dalkaas fadhiisiyo oo saddex qaybood labo kamid ah dib ugu laabtaan qodobkaan dastuuriga ah.

Qareenka dhinaca Sharciga ah ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadan doonno diidmadaan oo culeys ku noqon karta qorshaha la dagaalanka soogalootiga sharci darrada kusoo galay Dalkaas.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Masar oo ku dhawaaqay arin ka Farxisay Soomaalida
Next articleSanbaloolshe oo Wali Hiiraan ka Wada Abaabul ka Dhan ah Alshabaab iyo Ciidamadii ugu badnaa oo…