Home Wararka Maanta Akhriso: Trump oo Qalinka Ku duugay Amaro Aduunku La fajacay

Akhriso: Trump oo Qalinka Ku duugay Amaro Aduunku La fajacay

0

Dhowr saacadood kaddib marki loo dhaariyay xilka madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka, ayuu madaxweyne Donald Trump xalay fiidkii saxiixay tobnaan wareegto madaxweyne oo kala duwan.

Qaarkood ayuu ku hor saxiixay ilaa 20,000 ka mmid ah taageerayaashiisa oo isugu tagay xalay garoonka kubadda koleyga ee Caiptal One Arena ee magaaladan Washington D.C.

Amarrada sharci ee uu illaa haatan saxiixay Trump ayaa kala ah;

1. Cafinta dhamaan dadkii ku eedaysnaa kiiskii 6-dii Janaayo ee rabshadii xarunta baarlamaanka sanadkii 2021-ka.

2. Ka bixitaanka xubinnimada hay’ada caalamiga ah ee caafimaadka aduunka (WHO).

3. Xiritaanka xuduudaha Koonfureed ee Mareykanka.

5. Joojinta aqoonsiga Mareykanka ee ay heli jireen caruurta ku dhasha dalka ee aan waalidkood sharciga ku joogin Mareykanka (Birth Citizenship). Tani ma saameynayso haddii waalidku sharci haysto, keliya waxay khusaysaa ilmaha ay dhalaan waalidka sharci darada ku jooga dalkaasi.

7. Mamnuucida dadka aan lahayn jinsiga asalka ah ee (lab iyo dhedig) ee kamid noqoshada milatariga iyo laalitaanka amarkii Biden ee u garbinayay luudka.

8. Joojinta hawlaha qaxootiga lagu keenayo Mareykanka.

9. Mukhalasiinta dadka tahriibiya iyo kooxaha daroogada soo galiya Mareykanka oo argagixiso shisheeyo loo aqoonsado.

10. Hirgalinta wasaarad cusub oo lagu magacaabo wasaaradda xaqiijinta shaqooyinka dowladda.

Tobankaan amar ee Trump soo saaray ayaa qeyb ka ah ku dhowaad 200 bayaan amar madaxwayne ah, kuwaas oo dhamaantood saamayn ku leh siyaasadda caalamka ee Mareykanka iyo tan gudahaba.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleFarmaajo oo sheegay in dalku galay marxalad siyaasadeed oo ay ku gadaaman yihiin khataro badan
Next articleMuqdisho oo Durbaba Martigalinaysa Muraacad Xoog leh oo ka dhan ah Xasan Shiikh