Home Wararka Maanta Farmaajo oo sheegay in dalku galay marxalad siyaasadeed oo ay ku gadaaman...

Farmaajo oo sheegay in dalku galay marxalad siyaasadeed oo ay ku gadaaman yihiin khataro badan

0

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dalku galay marxalad siyaasadeed oo ay ku gadaaman yihiin khataro badan, kadib dhawaaqii maanta kasoo yeeray guddiga doorashooyinka lagu muransan yahay.

Madaxweynihii hore oo qoraal soo saaray ayaa muujiyay in tani dalka u horseedayso qalaalase siyaasadeed oo wax u dhimi kara amniga, isagoo meel adag ka istaagay doorashooyinka aan loo dhameyn.

“Marar badan waxaan ka dignay in wax ka baddal aan loo dhammayn oo lagu sameeyo Dastuurka oo ah waxa kaliya ee isku hayey ummadda Soomaaliyeed ay keeni karto in ay meesha ka baxdo sharciyaddii ay ku dhisnaayeen hay’adaha dowladda oo ay saldhig u tahay dastuur la isla oggol yahay,” ayuu yiri Farmaajo.

Waxa uu intaas kusii daray “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu wali ku adkaysanayo inuu qabsanayo doorasho uu kaligiis samaystay oo maamulanayo waa tillaabo aan ka turjumeyn xaaladda siyaasadeed ee dalka, keenina karta dib u dhac siyaasaddeed iyo qalalase laga baaqsan karo.”

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowlad-goboleedyada, madaxdii hore ee qaranka iyo mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka in la iska kaashado sidii lagu gaari lahaa wadatashi qaran oo lagu wajahayo xaalada siyaasadeed ee dalka, si looga baaqsado hubinti la’aan siyaasadeed iyo dhaawac soo gaara wadajirka dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystirkan;

Dalkeennu wuxuu galay marxalad siyaasaddeed oo ay ku gadaaman yihiin khataro badan oo horseedi kara dib u dhac siyaasadeed, dhaawac gaara wadajirka dalka iyo qalalaase siyaasadeed oo wax u dhimi kara amniga dalka.

Marar badan waxaan ka dignay in wax ka baddal aan loo dhammayn oo lagu sameeyo Dastuurka oo ah waxa kaliya ee isku hayey ummadda Soomaaliyeed ay keeni karto in ay meesha ka baxdo sharciyaddii ay ku dhisnaayeen hay’adaha dowladda oo ay saldhig u tahay dastuur la isla oggol yahay.

Sharciga doorashada, sharciga xisbiyada iyo guddiyada doorashada waa hannaan ka dhexeeya hay’adaha dastuuriga ah, Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda, waana arrin tiir dhexaad u ah siyaasad loo dhan yahay, sidaas darteed in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wali ku adkaysanayo inuu qabsanayo doorasho uu kaligiis samaystay oo maamulanayo waa tillaabo aan ka turjumeyn xaaladda siyaasadeed ee dalka, keenina karta dib u dhac siyaasaddeed iyo qalalase laga baaqsan karo.

Wax ka baddal Dastuur iyo qabasho doorasho aysan qayb ka ahayn Puntland, Jubaland iyo hormuudka siyaasadda dalka, waxaa kaliya ee lagu fasiri karo waa in hoggaanka talada dalka haya uusan wax tixgalin ah u hayn wadajirka iyo midnimada dalka oo ah mas’uuliyaddii qaran ee loo doortay, uuna damiciisa gaarka ah ka hormariyey masaalixdii guud.

Haddaba annagoo maanka ku hayna arrimahaas masiiriga ah ee aan kor ku xusnay, waxaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa inuu talada dhexda dhigo, horseedna uusan u noqon in dalku uu kala tago iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ku dhammaan karta qalalaase iyo dib u dhac qaran.

Sidoo kale, waxaan Dowlad Goboleedyadda, madaxdii hore ee qaranka iyo mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka ugu baaqayaa in la iska kaashado sidii lagu gaari lahaa wadatashi qaran oo lagu wajahayo xaalada siyaasadeed ee dalka, si looga baaqsado hubinti la’aan siyaasadeed iyo dhaawac soo gaara wadajirka dalka.

Ugu dambayn, qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed, sida culimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo ururrada bulshada rayidka waxaan ku boorrinayaa inay ka qaataan dowrka ay ku leeyihiin ilaalinta wadajirka dalka iyo sidii lagu gaari lahaa xasillooni siyaasaddeed.

Ad
Previous articleGuddigii Doorashooyinka ee Lagu Muransanaa oo maantay Qaaday Talaabo Culus