Home Wararka Maanta Gawaaridii ugu horreeyay ee gargaar sida oo galay Qasa

Gawaaridii ugu horreeyay ee gargaar sida oo galay Qasa

0

Gawaaridii ugu horreeyay ee xamuul ayaa la arkayay iyagoo galaya Qasa saakay, tan iyo intii ay dhaqan-gashay xabbad-joojinta.

Hay’adda cunnada adduunka ee QM ayaa sheegtay in gawaarida ay Qasa ka galeen labo marin: Zikim oo dhanka waqooyi ah iyo Kerem Shalom oo koofurta ah. Gawaari kale oo gargaar sida ayaa iyaguna galay iyagoo maray dhanka Rafax.

Qasa ayaa aad ugu tiirsan gargaar cunto. Toddobaadyadii lasoo dhaafay, keliya 40 gawaari siday gargaar ayaa galay, halka kahor dagaalkana, ilaa 500 oo gawaari gargaar sida ay maalintii tegi jireen. Heshiiska xabbad-joojinta ayaa dhigaya in ilaa 600 oo gawaari gargaar sida ay maalin walba tagaan Qasa.

Ad
Previous articleWaa Kuwee Sadexda Dal ee garab Istaagay Axmed Madoobe dhagahana Ka Furaystay Dowlada Soomaaliya?
Next articleWasiirkii Amniga Israil oo Is Casilay kadib Fashilkii Ay kala kulmeen Gaza