Home Wararka Maanta Waa Kuwee Sadexda Dal ee garab Istaagay Axmed Madoobe dhagahana Ka Furaystay...

Waa Kuwee Sadexda Dal ee garab Istaagay Axmed Madoobe dhagahana Ka Furaystay Dowlada Soomaaliya?

0

Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa ka hadlay khilaafka weli u dhexeeyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyaha maamulka Jubbaland oo haatan kasii daray, kadib markii uu Axmed Madoobe u safray dalka dariska ah ee Kenya.

Fahad ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Sheekh Maxamuud uu wax ku keeni waayey dagaal iyo heshiis, uuna ku fashilmay arrinta Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

“RUNTA KHARAAR: Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe Waxaan maqli jiray, war hebeloow labada orod mid daa! Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Axmed Madoobe la dagaalo iyo inuu la heshiiyo midna kartideeda ma lahan, marka labada orod midkood ha daayo” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay jiraan saddex dowladood oo waa wayn oo garab siiyo Axmed Madoobe, haddane uu dhaqaale ka helo Xasan Sheekh, inkastoo aanu shaacin dalalkaasi.

“Cudurrada qaarkood hadaadan iska daaweyn karin waxaa jira kaniiniyo loo qaato si aad ula noolaato xanuunka. Runta kharaarka badan waxay tahay, Madoobe waxaa maanta garab siinaya saddex dowladood oo Madaxweyne Xasan Sheekh dano dhaqaale oo shakhsi ah uu ku qabo labo kamid ah. Qof baahan uma caroon karo qofka uu gacanta u hoorsado” ayuu mar kale ku yiri qoraalka uu soo saaray taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay haboon tahay in runta loo soo laabto, si dhab ahna loo wajaho khilaafka taagan, isaga oo xusay in haatan ay dhowdahay nabadda.

“Nabad iyo colaad waxaa hadeer dhaw nabadda. Dowladdii horaba markay aragtay xaalka waxay aqbashay iney xanuunka la noolaato. Ceeb waxaa ah inaad si joogto ah darbiga madaxa ugu sii garaacdo” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Fahad Yaasiin.
Ad
Previous articleAxmed Madoobe Shalay Gaaray Nairoobi iyo Dowlada Soomaaliya oo ka Carootay Talaabana Qaaday
Next articleGawaaridii ugu horreeyay ee gargaar sida oo galay Qasa