Home Wararka Somaliya Galmudug Dagaal Caawa Sanado Badan kadib Gaalkacyo Ku dhexmaray Galmudug iyo Puntland

Dagaal Caawa Sanado Badan kadib Gaalkacyo Ku dhexmaray Galmudug iyo Puntland

0

Caawa Mudo badan Kadib oo Dadka reer Gaalkacyo nabad ku naaloonaayeen Waxaa Halmar Isbadalay Jawiga Gaalkacyo Kadib markii Dagaal lama Filaan ah uu Qaraxay.

Raasbadan ayaa Halmar laga Maqlay Gudaha magaalada gaalkacyo Gaar ahaan Halka ay iska Galaan Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalkaan ayaa Waxaa Soo Qaaday Beesha Laylkase oo Dhawanaahba Dagaal Dheeraaday kula Jirtay Beesha Sacad.

Maleshiyaad ka Tirsan laylkase ayaa lasheegay inay Raas ooda kaga Soo Qaadeen aaga Beesha Sacad kuwaas oo Xataa Adeegsaday Qoriga Sabanka Looyaqaan Halqof ayaana la xaqiijiyay inuu ku dhintay Rasaastaas oo kasoo jeeda Beesha Sacad Halka 5 kalana Ay Soo Gaareen Dhaawacyo Culus.

Gaalkacyo ayaa Cawa Martigakinaysa Colaad ay Mudo dheer kanasteen Waxaana Haatan bilowday Hub aruursi Culus.

Beelaha Laylkase iyo Sacad ayaa Mudo laba bilood ah waxay ku Dagaalamayeen Walina Isku Horfadhiyaan aaga Jiciboor Taas oo Xal loo waayay Dagalakaas.

 

Ad
Previous articleDhaqdhaqaaq ka Dhan ah alshababkii ku sugnaa Mudug oo Maantay Bilowday
Next articleWaa Sidee Xaalada Magaalada Gaalkacyo oo Xalay Dagaalo Ka Dhaceen?