Home Wararka Maanta Dhaqdhaqaaq ka Dhan ah alshababkii ku sugnaa Mudug oo Maantay Bilowday

Dhaqdhaqaaq ka Dhan ah alshababkii ku sugnaa Mudug oo Maantay Bilowday

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka oo maanta Howgalo ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay koonfurta Gobolka Mudug

Howgalka ayaa hugaaminayay Taliyaha Ururka 9 aad ee Gor Gor xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Cabduwali Januune oo ay wehliyaan Gudoomiye ku xigeen Wisil Cabdigaraad Cumar iyo Taliyaha Ururka 3 aad ee Ciidamada Deegaanka Gureey Nuur Ganaje

Ciidamada ayaa Howgalkaan lagu baacsanayay khawaarijta ka sameeyay Deegaanada Hareeri-dheere ,Cimaamad, Shabeeloow qeycad iyo deegaano kale

Saraakiisha Ciidamada ayaa wadajir u sheegay inuu howgalkaani qeyb ka yahay Dagaalka khawaarijta looga saarayo Galmudug iyo guud ahaan Dalka

Ad