Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay qaaday tallaabo deg-deg ah oo jawaab u ah weerarkii ay habeen hore Al-Shabaab ka gaysteen gudaha degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.
Ciidamada Booliska, kuwa Nabad-Sugidda iyo ciidanka Xasilinta caasimada ayaa xalay isku fidiyay xaafadaha degmadaas, iyaga oo ka sameeyay howlgallo amni xaqiijin ah.
Howlgallada oo bartilmaameed ah ayaa lagu beegsaday guryo ku yaalla Daarusalaam oo laga soo qabtay dhalinyaro iyo waxyaabaha maanka dooriya.
Dhalinyarada lasoo qabtay oo aad u badan ayaa la’isugu keenay hal goob, waxaana kadib fagaarahaas kula hadlay qaar kamid ah saraakiisha ciidanka ee dowladsa Soomaaliya.
Taliye ku xigeenka qaybta bari Gaanshaanle Dhexe Macallin Faarax oo horkacayay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu ahaa amni xaqiijin, si looga hortego weerarada Al-Shabaab, burcadda iyo kooxaa ka ganacsatada waxyaabaha maanka dooriya.
Gaanshaanle Dhexe Macallin Faarax ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay kala shaqeeyaan amniga, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah.
Weerarkan ayaa daba socda qaraxyo habeen hore ka dhacay Daarusalaam oo lagu beegsaday goobo ganacsi, kadibna ay xigtay rasaas toos ah, waxaana laamaha amniga oo dhankooda ka hadlay weerarkaas ay sheegeen in qaraxyadu ay ahaayeen kuwa dheemish ah.