Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan Daacish ay Puntland ka wado dhulka buuraleyda ee gobolkaasi, gaar ahaan aagga Calmiskaad, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxda.
Ciidamada Puntland ee la dagaalamaya Khawaarijta Daacish ayaa isku sii fidinayo deegaanno horleh, waxaana maanta dagaalka ay ka gaareen guullo kale oo wayn.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland waxaa maanta ciidamada ay la wareegeen talisyo waa waayn oo ay kooxda ku lahayd buuraha hoostooda, sidoo kalena laga qabsaday shidaal iyo saanad kale oo muhiim ah.
“Allaahu Akbar, ciidanku wuxuu la wareegay talisyo waa weyn Shidaal, Hub iyo Agab kale” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland.
Horay ciidamada Puntland ayaa inta uu socday howlgalka ku burburiyay ugu yaraan sideed talis oo Khawaarijta Daacish ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari, gaar ahaan aagga Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad , sida ay sheegtay Puntland oo qoraal soo saartay.
“Ciidamada difaaca Puntland ayaa in ka badan 8 Talis iyo Saldhigyo ka burburiyey Argagixisada daacish, kuwaas oo ay ku lahaayeen buuraleyda Calmiskaad ee G. Bari, gaar ahaan togagga Lugele, Dhabanacado, il iyo Camayra, Hoobato, Taagtaag iyo buurta Baal-gorey” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada PMPF.
Sidoo kale waxaa lasoo riday diyaarado Drones ah oo ay adeegsanayeen xubnaha kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halka kalena la qabtay.
Xaaladda ayaa weli kascsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa goobaha ay howlgallada ka socdaan ee aagga Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad.