Home Wararka Caalamka Dad Gaaraya 180 Qof oo ku dhintay Shil Diyaradeed oo ka dhacay...

Dad Gaaraya 180 Qof oo ku dhintay Shil Diyaradeed oo ka dhacay Dalka: Sawiro

0

Ugu yaraan 178 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo saakay ka dhacay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muan ee dalka Kuuriyada Koofureed.

Shilka ayaa yimid kaddib marki diyaaradda Jeju oo wadday rakaab gaaraya 181 qof ay ka baxday dariiqa ay diyaaradaha ku ordain marka ay duulayaan iyo marka ay soo dagayaan, sidaasi waxaa xaqiijisay wakaaladda wararka Kuuriya ee Yonhap.

Diyaaraddan ayaa ka soo duushay dalka Thailand, waxana ay ku wajahneyd magaalada Muan ee koofurta South Korea. Dab ayaa qabsaday diyaaradda kaddib marki ay darbi ku dhacday sida ay xaqiijiyeen saraakiisha.

Wakaaladda Qaran ee Dabdabiska ayaa sheegtay in dabka intiisa badan la damiyay isla markaana ay wali socdaan howlaha gurmadka.

178 ka qof ee dhintay ayaa la sheegay in ay u dhinteen dabka. 32 gaadiidka dab damiska iyo diyaaradaha qummaatiga u kaca ayaa ka qeybgalaya howlaha dab damiska.

Afhayeen u hadlay shirkadda Jeju ee diyaaraddani leh ayaa sheegay in ay billaabayaan baaritaanno ku saabsan sababta keentay shilkani.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDowlada Itobiya oo Bilowday Qorshe ay ku Fashilineyso howlgalka AUSSOM
Next articleWararkii ugu danbeeyay Xiisad Colaadeed oo ka jirta Deegaanka Jiicboor ee Gobolka Mudug