Xukuumadda Asmara ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrimo ku aadan isku dhowaashaha dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib heshiiskii Ankara ee ay dhex-dhexaadisay dowladda Turkiga.
Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Idris, isla-markaana wasaaradda kala taliyo arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay walaac ka qabaan heshiiskii ay Soomaaliya lagashay Itoobiya ee ka dhacay Ankara.
Idirs ayaa tilmaamay in hehsiiskaas ay u arkaan mid uu ku ku jiro mad-madow, isla-markaana aan la’isku haleyn karin, sida uu hadalka u dhigay.
La-taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan ka fileynin Soomaaliya gelidda heshiis noocaasi oo kale ah, isaga oo hoosta ka xariiqay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya haddii ay ogolaato in marin biyood ay siiyaan dowladda Itoobiya oo uu tilmaamay inay qatar ku tahay xasillonida iyo amaanka guud ee Eritrea.
Sidoo kale wuxuu Cabdulqaadir Idris soo hadal qaaday iskaashiga ka dhexeeya Asmara iyo Muqdisho, gaar ahaan heshiiskoodii ugu dambeeyay, isaga oo sheegay inuu ku saleysnaa difaacidda biyaha Soomaaliya
“Ma jirin heshiis gaar ah ay Dowladea Eritrea la gashay Soomaaliya, heshiiskii ugu dambeeyay ee ay galeen Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxa uu ahaa sidii Soomaaliya looga difaaci lahaa Itoobiya oo soo hamisay biyaha Soomaaliya” sidaasi waxaa Bbc da laanteedi afka Soomaaliga u sheegay Cabdulqaadir Idris oo ah lataliye Wasaaradda arrimaha Dibadda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya.
Eritrea ayaa kamid ah dowladaha haatan xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, waxaana dhowaanahan iskaashi cusub la sameynayay madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa kale oo ay Eritrea taageero milatari siisaa Soomaaliya, si gaar ah waxa ay tababaro umsiisaa ciidamo kala duwan ee qalabka sida.