Magaalada Dhuusamareeb saacado kahor lagu diley Hassan Quuri oo ahaa Labo xidigle ka tirsan Booliska Galmudug, xiliyo kala duwanna soo noqday Taliye Kuxigeenka Booliiska Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.
Nin la sheegay in uu hubeysnaa ayaa xabad kaga dhuftay wadnaha xili uu ku sugnaa Xaafada Horseed, meel aan ka fogeyn Isbitaalka weyn, waxaana sidoo kale dhaawac ah gabar sarkaalku la joogay xiligaasi.
Booliiska ayaa ku raad jooga ruuxa falkan geystay oo tan iyo xiligii dhacdadu dhacdey waxaa socda howlgal lagu soo qabanayo dambiilahaasi.
Booliska ayaa Ku Raad jooga ninka Ka danbeeyey Dilka Taliye Xasan quure Taas oo wali la ogayn Sababta uu u dilay iyo Waxa Ka Dhaxeey.
Ad