Home Wararka Maanta Ciidamada Daraawiishta Koonfurgalbeed oon 24saac u qabtay Laftagareen

Ciidamada Daraawiishta Koonfurgalbeed oon 24saac u qabtay Laftagareen

0

Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa ka gadooday munaasabadii uu dhigtay Cabdicasiis Laftagareen, waxayna saacado kooban u qabteen hoggaamiyaha maamulkaas oo u dabaal-degay sanad-guuradiisa 6-aad ee mudadii uu xukunka joogay.

Ciidamada Daraawiishta Maamulkaas ayaa iska soo duubay muuqaalo ay ugu hanjabeen Laftagareen, iyagoo soo gudbiyey cabasho yaab leh, soona bandhigay dayacaad ay kala kulmeen Laftagareen.

Ciidanka maanta hadlay ayaa badankood waxay joogaan degmada Walaweyn iyo deegaano kale oo Laftagareen uu geeyey dhowr bilood ka hor, xilli ay isku dhacsanaayeen beesha Gaaljecel oo Daraawiishta maamulkaas ay dagaal la galeen.

Ciidamada ayaa muuqaaladan ku faafiyey barahooda bulshada, iyagoo isaga duubay taleefanadooda, muddo 24-saac gudahood ah ayey u qabteen in Laftagareen uu uga soo jawaabo cabashadooda.

Ciidamada qaar ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Laftagareen oo u dabaal degaya sanad guuro sharci darro ah, maadaama uu dhamaaday labo sano ka hor muddo xileedkiisii, in hadana madaxdii qaranka ay tageen Baydhaba oo la dabaal degeen Laftagareen.

Guud ahaan Koonfur Galbeed waxaa ka jirta saboolnimo ay sababeen qabado is biirsaday, caqabadahaas waxaa kamid ah go’doominta Al-Shabaab, maadaama aysan magaalo ku gudbi Karin magaalo kale.

Ad
Previous articleMasjid lagu Muransanaa Mudo 8 Sano ah oo Heshiis laga gaaray Magaalada Muqdisho
Next articleXutiyiinta oo Gantaalo ku Gaaracay Caasimada Israil