Home Wararka Caalamka Zelenskyy oo ku booriyay wadamada Yurub inay bixiyaan dammaanad lagu ilaalinayo Ukraine

Zelenskyy oo ku booriyay wadamada Yurub inay bixiyaan dammaanad lagu ilaalinayo Ukraine

0

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku booriyay wadamada Yurub inay bixiyaan dammaanad lagu ilaalinayo Ukraine ka dib marka uu dhamaado dagaalka Ruushka, laakiin wuxuu sheegay inaysan taasi ku filnaan doonin haddii aysan taageero ka helin Mareykanka.

Iyadoo dagaalka ka dhashay duulaanka Ruushka ee 2022 uu sii socdo, saraakiisha reer galbeedka iyo kuwa Ukraine waxay bilaabeen inay ka wada hadlaan xaaladaha dagaalka ka dib ballanqaadkii madaxweynaha la doortay ee Trump ee ah inuu khilaafka si degdeg ah u soo afjaro.

Isagoo ka hadlayay shir madaxeedka hogaamiyayaasha Midowga Yurub Khamiista, Zelenskyy wuxuu soo dhaweeyay soo jeedinta madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ah in ciidamo loo diro Ukraine ka dib xabad joojinta.

Wuxuu u sheegay hogaamiyayaasha inay “muhiim u tahay Yurub inay gacan weyn ka geysato dammaanad qaadka amniga”.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Qaabka uu ku Wajahayo Dagaalka Ceergaabo
Next articleShiinaha oo Walwal ka Qaba Aqoonsiga Soomaaliland oo Deg deg Xasan shiikh kula Kulmay