Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamadii Dowlada ee isku dhiibay Kenya oo Muqdisho lagasoo Dajiyay Iyagoon Hub...

Ciidamadii Dowlada ee isku dhiibay Kenya oo Muqdisho lagasoo Dajiyay Iyagoon Hub Wadan

0

Dowladda Soomaaliya ayaa Shalay bilowday inay dalka ku soo celiso ciidamadii ku jabay dagaalkii Raaskambooni ee gudaha u galay dalka Kenya, kuwaas oo isku dhiibay dowladda Kenya.

Maalmo ay wadahadallo ciidamadaas ku saabsan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay socdeen kadib, waxaa ka isku raacay in ciidankaas loo soo daabulo Muqdisho.

Diyaaradihii ugu horeeyey oo ciidankaas wada ayaa galabta kasoo degay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, inkastoo ay ogaatay Warbaahintu, hadana dowladda Soomaaliya ayaa qarisay xogta ciidankaas.

Waxaa jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay si gaar ah mar kale Kenya ugala xaajoon doonto hubka ciidankii isku dhiibay, waxaana suurtagal ah in diyaarad gaar ah lasoo saaro.

Inkastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah ee ciidankaas, hadana Kenya ayaa marar kala duwan baraha bulshada ku shaacisay inay kor u dhaafayaan 600 oo askari.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa sidaan oo kale Muqdisho looga soo dejiyey ciidankii Jubbaland ay ku qabatay dagaalka, kuwaas oo Raaskambooni laga soo saaray ilaa 3 diyaaradooda, waxay ahaayeen ciidan dhaawacyo u badan oo boqol kor u dhaafay.

Fadeexada ku dhacday dowladda Soomaaliya waxaa u dheer in weli aysan ka tanaasulin abaabulka dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe, si xukunka looga tuuro, waxaana suurtagal ah in Gedo iyo Jubbada Hoose mar kale loo diro ciidan la dagaalama Axmed Madoobe.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleXukuumada Cusub ee Ciro oo Ka Hadashay Sida ay ka yeelaayaan Heshiiskii Bada ee Muuse Biixi iyo Abiya Axmed
Next articleDowlada Soomaaliya oo Markale Qaaday Talaabo lagu weeraraayo Axmed Madoobe