Kooxda Al-Shabaab oo weli dagaal xooggan kula jirto dowladda federaalka ayaa haatan billowday weeraro nooc cusub ah oo ay ka fulineyso magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Weeraradan oo qaraxyo ah ayaa kooxda waxaa xalay ay ku beegsatay guryo ku yaallo xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley, kuwaas oo ay daganaayeen dad shacab ah.
Sababta ugu wayn ee loo qarxiyay guryaha ayaa ah, kadib markii lagu xiray kaamirooyinka CCTV ee ay horay dowladda u amartay in lagu xiro wadooyinka iyo goobaha ganacsiga Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadan oo moonooyin ahaa ay ku dhaawacmeen illaa 5 ruux oo ay ku jiraan carruur, kuwaas oo la geeyay qaar kamid ah isbitaallada caasimada.
Qaraxyada kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgallo kooban ka sameeyay gudaha Garasbaaley, balse ma jirto natiijo kasoo baxday.
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Garasbaaleey iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxyadaan xalay ka dhacay duleedka Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale u qarxisay goobo ganacsi oo ku yaalla caasimada, kadib markii lagu xiray kaamirooyinka qarsoon ee CCTV oo ay amartay dowladda dhexe.