Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowlada Soomaaliya oo Xasan Afgooye oo Ganacsatada Muqdisho lacagta Xooga Uga Qaada...

Dowlada Soomaaliya oo Xasan Afgooye oo Ganacsatada Muqdisho lacagta Xooga Uga Qaada War kasoo saartay

0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay inay ku raad-joogto xogta horjooge Xasan Cali Maxamed oo loo yaqaanno Xasan Afgooye, kaas oo Khawaarijta u qaabilsan dabagalka lacagaha baadda ah iyo xiriirka shirkadaha.

Hay’adda ayaa ka digeysa la macaamilka Horjooge Xasan Afgooye, kaas oo xayiraad la saaray, isla markaana toos loo helo xogta xiriirada uu sameeyo.

“NISA oo la socota aalad walba oo uu xiriirradiisa u isticmaalo, waxa ay ka digeysaa la macaamilkiisa guud iyo ka ag-dhawaanshaha goobaha uu ku sugan yahay, maaddaama horjoogahan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya saartay xannibaad dhan kasta ah,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hay’adda ayaa qoraalkaan bulshada uga codsatay inay u soo sheegaan hadii ay arkaan ninkaas, waxaana la shaaciyey lambarro lagala xiriiri karo Hay’adda.

“Muwaaddin haddii aad heyso xog ku saabsan horjoogahan la wadaag hay’adaha amniga oo la xiriir lambarka 199 ama WhatsApp 0770747474,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Dowladda ayaa qofkii xogtiisu guuleysato oo sabab u noqda in ninkaas la qabto u balan qaaday abaal-marin aan la shaacin waxa ay tahay.

“Haddii ay xogtaadu guuleysato waxaad heli doontaa abaal marin maqaamkeedu sarreeyo,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalkaan ka soo baxay Hay’adda NISA.

Sidoo kale waxaa la soo bandhigay sawirka Xasan Afgooye, si dadku u arkaan loona qabto ama loo dilo, maadaama uu yahay ninka dhaqaalaha ganacsatada Muqdisho u gacan geliya Al-Shabaab.

Dhowr mar ayaan baahinay xogta ninkaan halista badan oo waqtigiisa ugu badan jooga daafaha Muqdisho, waxa uu u xil-saaran yahay baadda iyo dabagalka ganacsatada Muqdisho, ganacsadihii uu heshiis cusub la gelayo wuxuu ugu yeeraa dhulka howdka ah ee duleedka Muqdisho.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleSoomaaliya oo Masar oo la wadaagtay heshiiskii ay Itoobiya kula gaartay magaalada Ankara ee dalka Turkiga
Next articleAlshabaab oo Qaraxyo ku Xiray Xaafado Xirtay Camerada CCTV