Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Diyaaradii Gudaha oo Diiday inay Ciidamo Geeyaan Raaskanbooni iyo Dowlada oo Talaabo...

Diyaaradii Gudaha oo Diiday inay Ciidamo Geeyaan Raaskanbooni iyo Dowlada oo Talaabo Adag Qaaday

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegaya inay hakisay dhamaan duulimaadyadii rakaabka de tegi jiray gobolada dalka.

Go’aankan oo la xiriirinayo diidmada shirkadaha diyaaradaha ee inay ciidamo ka dejiyaan deegaanka Raaskambooni ee maamulka Jubbaland ayaa maanta jahwareer horleh ka abuuray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, maadaama ay halkaasi ku xayiran yihiin rakaab badan.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa ka cabsi qaba in diyaaradahooda la soo rido, taas oo keentay inay diidaan qaadista ciidamada la geynayo Jubbaland. Dowladda federaalka oo arrintaas ka carootay ayaa go’aan ku gaartay in ay hakiso dhamaan duulimaadyada ay ku tagi jireen gobolada dalka.

Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan u digay shirkadaha diyaaradaha haddii ay ciidamo kusoo daabulaan maamulkooda, iyadoo amar ku bixisay in aysan wax duulimaad ah ka soo degi karin garoonka Raaskambooni.

Ma jirto illaa hadda wax diyaarad rakaabka ah oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku sii jeeda gobolada dalka, waxaana saacado badan halkaasi ku xayiran rakaab rabay inay u safraan gudaha dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo si weyn isku hayaan maamulka Axmed Madoobe ayaa ciidamo horleh ku daabuleyso deegaanada maamulka, iyadoo ku andacooneysa in ciidankan uu qeyb ka yahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dowladda ayaa sidoo kale ka fur-furid ku wada ciidamada maamulka Jubbaland, taas oo keentay in qaarkood ay kasoo goostaan Axmed Madoobe, kuwaasi oo si rasmi ah ciidanka xoogga dalka loogu diiwaan-geliyay.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleCiidamadii ugu Badnaa oo Itoobiyaan ah oo Soo Galay Soomaaliya iyo Dowlada oo Dagaal Ku Baaqday
Next articleShirkadaha Diyaaradaha Gudaha iyo Dowlada Soomaaliya oo Heshiiyay Kadib Dulimaad la,aantii Maantay